5-HAMI SARE MALIHID
PART-9”SABABTA 5AAD FAQRIGA KEENA:-
5-HAMMI SARE MALIHID:-
Nabigu naxriis iyo nabad gelyo korkiisa ha
Haatee issaga oo innagu dhiiri galinaayaa
Inaan hammigeena kor uqaadno wuxuu yidhi:-
“HADDII AAD ALLE WAX WAYDIISA NAYSAAN
WAYDIISTA JANADA FARDAWSA MAXAA YEELAY WAA JANOOYIINKA TAN UGU SAREYSA”
Haddii la ina amray innaan janada kadamacno
Tan oogu sareesa,waxaa fiican shay walba
Inaan kiisa oogu sareeya kadamacno.
Hiigsi gaagu hadduu hooseeyo,qorsha haaguna
Wuu hoosee yaa,wax qabad kaaguna wuu hoo
Seeyaa,fikrat fiican uma dhaqaaqdit fulin teeda
Maxaa yeelay taasi hammi wayn ayay ubaahan
Tahay,taasina adiga kuguma jirto.
Waxaad raalli katahay xaaladda aad kujirto,
Waxaad raalli kutahay waxa yar aad haysato,
Waxaad raali kutahay aqoonta yar ee aad
Leedahay,waxaad ku qanacsan tahay inaad
Unoo laato sida jaar kaaga ah ay unool yihiin,
Maxaa yeelay dadkaasi maaha qaar horumar
Gaadhay waxaad kuqanac santahay sida saaxib
Kaada unool yahay inaad unoolaato,waxaad
Ku qanacsantahay in haddii aad shaqo heshay
Biil kaagana aad ka adagtahay inay kugu filan
Tahay wax kaa maqanina jirin.
Hodannimada iyo dariiqeedu taa wuu kaduwan
Yahay,qofka hoddanka ah hamigiisu wuu saree
Yaa,mar walba halka uu taagan yahay mooyee,
Meel kasareesa ayuu sii hiig sadaa.
Sida uu sheegay qoraagga kitaabka layidhaahdo
“The secret of multi millionere”
Wuxuu kusheegay inuu jiray nin tabbabare
Nololeed ah oo markii hore daqligiisu ahaa
250,000usd sanad kiiba.
Muddo sedax sano gudahood wuxuu daqligiisu
Gaadhay sanad kiiba 600,00,00usd.
“lixboqol oo kun millyan”
Wuxuu isbadalay mar kaan siiwayn ufikray.
“Every thing changed the moment I began to thing big”.
Waxaad ogaataa in aduuyadu laguu keenin
Inaad kaligaa noolaato,waxaa laguu keenay
Inaad aduuyada wax kusoo biiriso oo aad
Noqoto xubin firfircoon oo wax soo kordhisa,
Oo ka qeyb qaadata horumarka dalkiisa iyo
Dalkiisaba.Adduun yadaani uma baahna dad
Badan oo hammigoodu hooseeyo.
Waxaa lagaaday waqtigii aad dib ugurashada
Joojin lahayd waxaa lagaadhay waqtigii aad
Hogaamin lahayd ee aad lahogaamiye kabixi
Lahayd,waqtigii aad wax bixin lahayd ee aad
Joojin lahayd wax waydiisiga ama baryada.
Guud ahaan waxaa lagaadhay waaqtigii ciyaarta
Dhinaca wayn aad ka ciyaari lahayd ee aad joo
Jin lahayd inaad ciyaarta dhinaca hoose ka Ciyaarto.Kasoo qaad inaad tahay cotainer
Hantida lagu keediyo,haddii container kaagu
Yaryahay hantida aad helaysana badantahay
Maxaa dhacaya?
Waxaan shaki kujirin in marka container kii
Buuxsamo ee lacagta dheeraadka ahi fatahdo
Oo ay banaan ka kudaadato,sidaa daraadeed
Waxaa fiican in container kaagu uu waynaadu si
Uu wax badan kuugu qaado,container kaaguna
Suuro gal maaha inuu waynaadu illaa hammi
Gaagu waynaado.
AQRISTAHA SHARAFTA LAHOW LASOCO SABABATA 6-AAD.
Comments