MAXAAN UDOORANAY DARIIQA FAQRIGA?
MAXAAN UDOORANAY DARIIQA FAQRIGA?
Miyaan dunida oolin xanti inoogo filan.
50-ka siyaabod ee faqriga keena.
Qoraaga booga:- Ismaciil Tukaale Cige.
BUUGAGTA AKAADIMIYADA ‘ IQRA ‘
Ee hormarinta Bulshada:-
1. Tobanka fure ee guusha.
2. Maaree noloshaada.
3. Maareynta waqtiga.
4. Baraaruji awoodahaaga.
5. Dariiga guusha.
6. Qisoo yiinka kuwii guuleystay.
7. Kasbo ninkaaga.
AFEEFO.
Waxaan ka afeefa nayaa wixii khalad iga dhacay
Inuu yahay mid aan uqasdin ciddii markaa Aragta waxaan kacodsanayaa inay igu Baraarujiso .
HORDHAC:-
Marka hore waxaan kubilaabayaa bisinka alle
Waxaa mahad balaaran leh rabiga ina abuuray
Ee buuraha, circa,iyo dhulka awuuray
Nabi muxamad naxriis iyo nabad galiyo korkiisa
Ha ahaatee.Buugaan lamac baxay MAXAAN UDOORANAY DARIIQA FAQRIGA MIYAANAY DUNIDA XANTI INOOGU FILAN OOLIN?
Oo ah buug lagu qoray af-kaaga hooyo waxaan
Rajeenayaa inuu wax badan katari doono dadka
Af-somaligu kuhadlo iyo sida ay ugu bixi Lahaayeen faqriga.
Bugaan waxaanu kusoo aruurinay 50-sabab
Oo faqriga keena.
-FAQRIGA IYO HODANNIMMADA SIDEE DIINTEENA UGU HADASHAY?
Hodannimmada iyo faqrigaba labadaba waa
Imtixaan,qofka qaniga ahna waxaa la eegayaa
Waxa uu kusameeyo xoolaha alle siiyay kan
Faqiirka ahna waxaa la eegayaa inuu kusamro
Iyo inkale.
Waxaa kale in la imtixaamo muddan in kala
Qaybsanaanta dadku ay ukala qaybsan yihiin
Qani iyo faqiir ay xikmaddi kujirto oo haddii
Dadku qani wada ahaa lahaayeen ama faqiir
Noloshu macno mayeelateen.
Iyadoo sidaa tahay waxa in laxuso mudan in qof Walbo xuryad buuxda haysto inuu faqiir noqdo
Iyo inuu qani noqdo,waayo dariiqa faqrigu waa
Mid cad sababahiisa wata,dariiqa qanin Maduna waa mid muuqda sababihisa wata.
Ninka qanida oogu qaalisan ee layidhaahdo
‘Bil gate’ ayaa wuxuu yidhi:-Hadii aad dhalato
Adigoo faqiir ah wax dambi kuma lihid,haddiise
Aad dhimato adigoo faqiira taasi dambi baad
Kulee dahay.
Nin gaal ah hadalkiisa inaan daliilsano waa laga
Fiican yahay,lkn gaalku wixii xikmada oo Diintaynuna kahor imaanayn waa laga qaadan
Qaadan kara.Tani waxay lamid tahay qofku Wuxuu dhalan karaa asiga oo ajar iyo qey midna
Wadan ,hadiisi uudhinta sida uu kudhashay
Midlamid ah,oo aan waxba qeyr sameysan taasi
Dambi ayuu kuleeyahay,tan iyo taasi waa isku Mid waxba kuma kala dubna.
Waa fikir qaldan inaan udaliilsano Faqrinimadeena oo aan nidhaahno:-
ILLAAHAY baa noo qoray,sidaan waxaa odhan Karnaa marka aynu sababta oo dhan nimaadno
Ee haddana oo aan waxba kuheli wayno,laakiin
Inaga oo iska fadhina oo aan far dhaqaajinayn
Inaan qadarka ALLE xujo kadhigano taasi maaha
Mid diintayna daliil kahaysata.
Inta badan waxaa dhacda in haddii qofku Sababta layimaado allena talada saarto aanu Rabi xoojinayn ajarkiisana aannu dayaceyn sida
ILAAHAY quraan kiisu kusheegay uu yidhi:-
“Illaahay dadka muxsiniinta ajarkooda malumiyo”.
Marka aan eegno dunida aan kunoolnayahay,
Waxay ukala qaybsan tahay duni xaga Dhaqaalaha kahor martay iyo duni xaga Dhaqaalaha dib udhacday,waxaana taas sabab U ah;waa dadka kukala nool oo ku kala duwan
Qabsashada asbaabaha faqriga iyo kuwa qanini
Nimada ee kitaab kaynu kahadlayo.
Waxaa kale oo in latilmaamo ah inqannimada
Ay diintaynu dhiiri galisay halka faqrigana ay ka
Digtay. Nabigu naxriis iyo nabad gelyo korkiisa
Ha ahaatee wuxuu alle kamagan galay faqriga,
Wuxuuna yidhi:-
“ Rabigay goow waxaan kaa magan galay Gaal Nimada iyo faqriga”
Bal ufiirso nabigu wuxuu iska sii uga magan Galay faqriga iyo gaalnimada.
Faqrigu wuxuu bulshada ku keenaa mashaakilo
Badan; tuugada waxaa keena waa faqriga,
LOSOCO BEEJKA KALE INSHAA ALLAH:-
Comments