PART-5 “  asbaabaha  faqriga keena”


1-FAHAN LA’AA TA QAANUUNKA NOLOSHA:-

Waa qaanuunka layidhaahdo “sabab iyo natiijo”

Qaanuun kaan macnihiisu waa marka sabab

Lahelo ayaa natiijo lahelaa,sabab la’aanse wax Kuma yimaadaan.

Dadku waxay qalad ka aaminsan yihiin qadarka

Marku wax dhoco iyaga aan eegeen qadar sababta keentay ayay qadarka alle ku saba bee

Yaan.Rumeynta qadarka waa mid ka mid ah

Lixda iimaan ka,waa waajib.nin ka qadar qadar

Ka allena beeni yaana waa gaal,laakiin waxaa

Muhiim ah in qadar ka alle loo rumeyo sisax ah

Tusaale ahaan ruux baa si ulakac ahaan oo

Kas ah gaadhi ordaaya hortiisa isku tuuray,gaa

Dhigiina sidaa kujiidaa ,midkale ayaa shaqadiisi

Soo xaadiri waayay oo iska seexday,kadibna

Shaqada sidii loogu soo ceeriyay iwm,bal ka

Waran haddii dadkaas ay yidhaah daan illaahay

Baa noo qadray,maka aqbali laheyd?

Illaahay maryan bin cimran iyada oo foolo

Naysa ayaa la’amray inay jiridda geed ka timir

Ta ruxdo si midhuhu ugu soo daataan isaga oo

Ilaahay awooda inuu sabab la’aan usoo daadiyo

Sidoo kale haajira oo aheyd nibi ismaaciil

Hooyadii markii nabi ibraahiim cidladda kaga

Tagay ee iyaddii iyo ilmihii yaraa haraad xuni

Ku habsaday ayaa ay oroday todobada jeer

Inta udhaxaysaa safa iyo marwa.

Kadib biyihii idin ka illaahay ugu soo daateen,

Illaahay sabab la’aan wuxuu karaayay inuu

Bayaha sabab la’aan usoo daayo,laakiin waxaa

Illaahay doonay inay horta iyada awoodeeda

Isticmaasho oo sabab la timaado.

Qiso kale caddeenaysa inuu fahan kaa qaldan

Yahay ila akhri:-

Labo dhalanyaro ayaa doodi dhexmar tay;

Mid kood wuxuu ku dooddaayay in haddii uu

Shaqeeyo haddii kale uu helaayo wixii alle usoo

Qoray,ka kalena wuxuu kudooday in haddii uu

Sabab la imaan waayo aynu waxba helayn

Kii ku doodday in wixii illaahay uqoray sabab

La’aan uu mar kastaba helaayo ayaa dooddii ku

Adkaadday,waayo wuxuu ku xujeeyay saaxib kii

Qaddar ka alle,kaas oo diidis tiisu gaalnimo

Keenayso.

Wiilkii kale ayaa isaga oo ka dhaadhici la’dahay

Arrintaasi,laakiinse kabaqaayo in hadii uu sidaa

Rumayn waayo uu ku gaaloo baayo ayaa go’aan

Ku qaatay in bal arrintaa uu tijaabiyo inay suu-

To gal tahay iyo in kale.

Masaajid ayuu tagay salaaddii ayuu jamaca

La tukday,mar kii laga baxay salaaddii duhur

Ee nin walba reer kiisii uqada doon tay ,isagu

Masaajid kii ayuu iskaga dhacay oo wuxuu galay

Qol yar oo masaajid kii kamid ah, isaga oo

Sugaya in arsaaqaddii alle uqporay samadda

Ugu soo dhacdo.

Waxaa jiray nin maal qabeen ahaa oo masaajid

Ka lajaar ahaa,waxaa kale oo jiray xer masaakiin

Ah oo masaajid ka wax kabarta,kuwaas ayuu

Nin kaas maal qabeen ahi maalin walba qado

Ukeenaa,siddii caadadu eheyd qadadii buu

Ukeenay,laakiin wiilkii yaraa qolkii buu iskaga

Jiraa oo masoo bixin.

Xertii qadadii bay iska cuneen midna kama

Daggin.Maalin tii labaad markii salaaddii duhur

Laga baxay ee nin walba xaafaddii uqada tagay

Kaligii buu masaajid kii kusoo hadhay.

Nin kii taajirka ahaa ayaa sidii ay caadadu ehayd

Cuntadii keenay,laakiin odaygii masaajid ka mas

Uul ka ahaa ayaa yidhi:-

Cuntada maanta iska celi waayo xertii masaajid

Ka joogi jirtay in maanta meel kale laga

Casuumay, wiil kii yaraa oo qolkii yaraa kujira

Wuu maqlayaa hadalka,labo maal moodna wax

Ba macunin,arrintuna meel adag bay kamaray

Saa,gaajo owgeed ayaa boga iyo beer ka isku

Dhageen,ayuu is haysan kari waayay mar kaas

Ayuu yidhi:-ux,ux,ux mise waxa meesha ux,

Uxda kahaayaa waa nin.Nin kii cuntada siday

Ayuu lahadlay oo yidhi waar cuntada soo celi,

Mid xer tii kamid ah ayaa meesha ux,kayidhay.

Wiil kii yaraa cuntada ayaa loosoo dhigay,ilayn

Waa nin laba maal mood aan waxba cunine

Sii waali ah ayuu cuntadii udal dalay isaga oo

Leh:-waxay yidhaah deen sabab la’aan ayaa

Wax lagu helaa,waxay yidhaah deen sabab la

Aan ayaa wax lahelaa,wallaahi sabab ayaa

Arzaaqda lagu helaa haba yaraato  ha ahaato

Ux,ux,ux.

Wuxuu ula jeedaa ux,uxdii aan yidhi ayaa sabab

U noqotay inaa cunto helo,laakiin haddii aan

Iska aamusi lahaa waxba maheleyn.

Qisadaan waxaan ka qaadanay naa in haddii

Aad doonayso inaad wax hesho aad sabab

Latimaado.

Haddii aanad wax beeerin waxba goosan

Maysid,wiliba kolba waxa aad beerato nooca

Uu yahay uun bay natiijadu noqo naysaa,haddii

Aad baradho beerato baradhaad goosan,haddii

Aad galey beeratana galley baad goosan,waayo

Qaanuun ka nolosha ayaa sidaa udhigan.

Arin kale oo qaldan baa jirta oo dadka caamada

Ahi aamin san yihiin,oo ah in nasiib wax lagu

Helo.Waa run nasiib wuu jiraa,laakiin nasiib

Ciddii dariiqeedu martaay buu lakul maa.

Kasoo qaad in nasiib ku albaab kaaga soo

Garaaco,laakiinse aad kafuri waydo,kadibna uu

Ku dhaafo oo albaab jaar kaagi garaaco,jiiraan

Kaaguse uu ka furo,kadibna aad tidhaahdo alla

Anagu waan nasiib daran nahay,jiiraan kayguse

Wuu nasiib badan yahay.

DIKTOOR IBRAAHIM ALFIQI ayaa wuxuu yidhi:-

Dadka guushu gaadhay waa run way nasiib

Badan yihii,laakiin nasiib ku waa mid ay gacan

Toodu ku sameys teen”.

Haddii aad mar kaa adigu tahay mid aan fahan

Saneyn qaanuun kaan nolosha alle udajiyay ee

Sabab iyo natiijo oo aad adiga oo fadhiya lee

Dahay Allaa ii qaddray amase nasiib kayga ayaa

Xun ogow inaad fikir qaldan aamisan tahay,taas

Waxaa lamida adiga oo salaadda,soon ka,

Sakada,xajka,iwm iska daaya,hadana yidhaahda

Illaahay hadduu jana ii qorayna waan gali hadu

Naar ii qorayna camalku waxba ii tari maayo.

Ma ila aragtay aqristow in fikir kaasi uu qaldan

Yahay,hadaba adigu haddii horay uga mid

Eheyd dadka iyaga oo aan waxba shaqo la iman

Xujo kadhigta qadarka ogow inaad adigu xurya

Daada ku dooratay dariiqa faqriga.



AQRISTAHA SHARAFTA LAHOW LASOCO PART-6

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN UDOORANAY DARIIQA FAQRIGA?

7-WAXAAD KU LIIDATAA BANDHIGIDA QIIMAHAAGA