4-ISMA XILQAANTID "ISMA DIRTID"

 PART-8”SABABTA 4AAD FAQRIGA KEENA:-

 

1-ISMA XILQAANTID “ISMA DIRTID”



Waxaad marwalba sugtaa in wax laguu sheego,

In wax laguu diro,matihid qof isdira howsha ku

Dhaqaaqa oo baylahda taagan gacan tiisa wax

Kaga qabta.Mar kasta waxaad tidhaahdaa:

Waxaa fiican lahayd in arrintaan wax laga qabto,

Waxaa fiican lahayd in mushkiladda loo helo

Qof xalisa,waxaa fiican lahayd in sidaa iyo sidaa

Layeelo.

Haddii dadka dunida joogaan oo dhan ay noo

Caan ufikiri lahaa yeen,dunida magaa dheen

Hormarka maanta ay gaadhey,taleefonka lama

Soo saareen,Tv majireen,diyaaradi majirteen,

Gaadhi majireen,laydh majireen,laakiinse

Waxaa lahelay dad ayaga is xilqaama oo iyaga

Oo aan cidina dirin,cidna ku khasbin inay wax

Qabtaan iyagu is diray oo dareemay waa jibaad

Ka saaran iyo inay dusha uriteen mas’uuliyadda

Wax qabadka wixii awoodooda ah.

Waxaa jiray nin boqor ah oo doonaayay inuu

Kala ogaado inay dadkiisu yihiin qaar isxilqaama

Iyo in kale,dariiqa dadka iyo gawaadhidu

Maraysay ayuuu wuxuu dhigay dhagax weyn,

Kadibna meel dariiqa udhow ayuu kudhuuntay.

Dadkii markay dariiqa soo maraan ee ay arkaan

Jidkii oo dhagax wayni yaalo oo meel laga

Marana laheyn ayay iyaga oo caytamaaya oo

Leh :boqor kaan xun oo dulliga ah,bal dariiq

Yadii baa go’an isaguna kursiga uun buu iska fa

Dhiyaa,inuu wax qabto madoo naayo,kadibna

Dib ayay iskaga noqdaan.Markii dambe nin baa

Meesha soo maray,mar kii uu arkay indariiqa

Go’an yahay ayuu istaagay,dadkale ayuu uyee

Dhay oo uu kacod saday in dhagaxa meesha ay

Kala qaadaan,shaqo adag kadib,ninkuu iyo dad

Kiisii waxay kuguulays teen inay dhagaxii mesha

Ka qaadaan.Meel aan dariiqa sidaa oogu fogeen

Ayuu boqorkii kasoo baxay,mar kaasuu nin kii

Wuxuu udhiibay jeeg ay ku qoran tahay hal-

Milyuun oo dollar ah wuxuu ku yidhi:-

Haddiyada adiga ayaa iska leh,aniga ayaa dariqa

Dhagaxa dhigay,waxaan ee gaayay nin ka dad-

Kayga kamid ah ee isxilqaama ee dhagaxana

Meesha ka qaada.

Haddii aad isxilqaanto haddiyada camal kaaga

Waad heli dag dag uheli amaba gadaal kaheli,

Haddiise aad tahay mid had iyo jeer dad kale ka

Sugaaya inay wax kuu sheegto ogow inaad adiga xuriyadaada ku dooratay dariiqa faqriga.



AQRISTAHA SHARAFTA LAHOW LASOCO SABABTA 5AAD.

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN UDOORANAY DARIIQA FAQRIGA?

7-WAXAAD KU LIIDATAA BANDHIGIDA QIIMAHAAGA