KASAAR MASKAX DAADA FIKRADA QALDAN

 Part-4 KASAAR MASKAX DAADA FIKIRKA QALDAN



WAXA DIBADA KAMUUQDAA WAA SABIRKA WAXA GUDAHA KU JIRA .

Waxaan kunoolnahay duni waxwaba  ay Lamaano yihiin sida:-

Habeen iyo maalin,cir iyo dhul,habeen iyo Maalin,nin iyo naag,madaw iyo cadaan,taajir

Iyo faqiir,iwm.

Fikir kaaga iyo dhaqan kaaga waxay saameyn

Lexaad leh ku yeeshaan kolba meesha aad

Dunida kajirto iyo heerka noloshaadu halka uu

Gaadhisan yahay.

Marka aan hoos usoo dagano ee aan kahad layno qannimada iyo faqrigu waxay soo hoos

Galayaan uun qaanuu kaa oo ah rumeyn taada

Iyo fikir kaaga ayaa aas aas u ah kolba heerka

Dhaqaale aad samey nayso.

Haddii aan tusaale cad kaa siyo arrintaa:-

Waxaad marqaati katahay indadka LOTTERIGA

“Baqtiyaa nasiibka”ku guulaystaa ay lacag aad

Ubadan kahelaan sii kadis ah oo lama filaan ah,

Muddo yar kadibna ay lacag taasi baa ba’do oo

Lagaran waayo meel aymartay.

Waxaa kale oo aad ugu waafoqsan tahay in dadka dhaxalka wax kahelaay oo ay xantida

Usoo dhididin ee dariiqa lagu helayna aan gara-

Nayn in ay sidadag lacag taasi ulimiyaan.

Waxaa kale oo aan oknahay indadka millinerka

“Hantiila yaasha ah”haddii ay qasaaraan lacag

Tooda oo dhan in muddo yar gudohood

Ay lacagtii qasaareen iyo mid kabadan ku helan

Hadaba maxay tahay sirta labadaan arrimood?

Sirta kadambaysa waxay tahay waxay kukala

Duwan yihiin waa waxa gudaha maskaxdooda

Kujira;kan baqtiyaa nasiibka iyo kan lacagta

Dhaxalka ku helay malaha awood maskaxeed

Kufilan oo ay kuhanan karaan hantidaa intaa

La’eg oo ay muddada yar kuheleen.

Markaanse kahadlayno hantiile qasaara,

Waxaan arkaynaa muddo yar kadib uu hantidii

Qasaaray iyo mid kabadanba kuhelaayo,

Maxaa yeelay wuxuu leeyahay awood mas

Kaxeed lehna khibrad iyo aqoontii uu lacagtaa

Markii horeyba kusameeyay.

Mid kamid ah millionerada dunida kamid ah

Hantiila yaasha dunida kamid ah ayaa waxaa laga soo xigtay innuu yidhi:- hantidayda oo

Dhan qaataa,shandhad madhanna iidhiiba,

Meesha aad dunida kadoon taanna geeya.

Waxaan hubaa inaan muddo yar kusameyn

Karo lacahtii horey mid lamid ah amaba mid ka

Badan.

Wali ma aragtay laba geed midna midho badan

Oo qurux badan oo macaani ku yaalaan,kan kan

Kalana uu yahay geed aan midho fiican bixin,

Caleem kiisuna ay qalalan yihiin?haddii aad

Aragtay maxay tahay sirta kadam baysay inay

Labada geed sidaa ukala duwanaa daan?

Sirta kadam baysaa waxay tahay labada geed

Waxay kukala duwan yihiin xiddida dooda iyo

Sida ay biyuhu iyo nafaqadu uhelaan.

Binni aadamku intiisa badan waa indho ku

Garaad leh oo had iyo jeer waxaan aragnaa

Natiijada,laakiin isma waydiino inta badan

Natiijada wixii keenay.

Qof horumar sameeyay,dawlad horumar samey

Samay,qof guul dareystay,dowlad guul darey

Satay.Waxaa aas aas u ah oo saldhig u ah waa

Kolba fikirka gudaha kujira iyo aamminaadiisu

Nooca ay tahay iyo kolba fikirka gudaha kujiro

Sida uu yahay ayuun baa dibaduna u ekaadaa.

Natiijada aan ku arkayno waaqica waa sabirka

Gudaha kujiray oo dibada usoo baxay.

Marka in gudaha la hagaajiyo khaladkana laga

Soxo oo haddii maskaxda marka horay borga

Raamka kujiray uu ahaa mid khaldan la formad

Gareeyo oo lagu badalo borgaram fiican miyaan

Kula aheyn?

Arrintani ahmiyada ay leedahay awgeed marka

Aan usoo noqono diinteena suuban marka hore

Awooda saartay dhisida iimaanka,maxaa yeelay

Marku iimaanku saxmo ayaa camal fiican oo

Toosan laheli karaa,laakiin marku iimaanku

Qaldan yahay camalkuna wuu khaldamayaa.

Sidaa darteed ayuu nabi muxammad naxriis iyo

Nabad galiyo korkiisa ha ahaatee,wuxuu seddax

Iyo toban sano oo dhan ku baaqaayay caqiidada

“Iimaanka”.

Markii iimmaankii uu saxmay ayaa camalkii

Lawaajibiyay sida “salaadii,sakadii,soonkii,

Jihaadkii,iwm.

Hadaba si uu ficilka naga soo fulaya unoqdo

Mid midho fiican dhala ,waa inaan kudadaalnaa

Inaan toosino fikirka maskaxda kasoo fulaya,

Oo aan maskaxdeena kasaarno fikradaha

Qaldan ee keenaya inay ficilo qaldan oo natiijo

Qaldan keena ay xubnaheena kasoo fulaan.

Sidaa darteeda haddii aan doonayno inaan

Sameyno horumar dhaqaale,waxaa inala gud

Boon inaan marka hore dhisno maskaxda

Dhalin yarteena,taas ayaa kahoreysa inaan

Dhisno guryo, iyo dariiqyo,iyo warshado.

Haddii bani aadamka caqligiisa la dhiso wax

Kasta oo kale way hagaaga yaan,haddiise

Bani aadamka fikirkiisu qaldamo wax kasta

Oo kale way xumaanayaan.




AQRISTAHA SHARAFTA LEH LASOCO QEYBTA 5-AAD.

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN UDOORANAY DARIIQA FAQRIGA?

7-WAXAAD KU LIIDATAA BANDHIGIDA QIIMAHAAGA