MAXAA KUJIRA MASKAXDAADA TAAJIR AMA FAQIIR?

 Part-3"50ka sabab ee faqriga keena":-



“Xadiis kale  oo tilmaamaya fadliga ay Xooluhu leeyihiin”

Saxaabada kuwii faqriga ahaa ayaa rasuulku

Uyimid oo ku yidhi:-

“Rasuulkii ilaahawoy dadka xoolaha lihi ajarkii Oo dhan iyaga ayaa qaatay,way tuka nayaan

Sida aan utukano,wayna soomaya sidaan Usoono,waxaa kale ay sodoqoo saneyaan wixii

Maalkooda dheeraadka ku ahaa.

Rasuulku markaa wuxuu yidhi:-

Oo idinku miyaanan haysan wax aad sadaqay

Sataan?tasbiix kastaba waa sadaqo,alxamdu lillaah kastaba waa sadaqo,laa illaah kastaba

Waa sadaqo,wanaaga oo aad amartaana waa Sadaqo,midkiina oo xaaskiisa utagaay waa Sadaqo”

Maalintii dambe ayay kusoo noqdeen oo ay Yidhaah deen rasuulkii allow kuwii xoolaha Lahaa intii aad noo sheegtana way nala samee

Yeen?Rasuulkii alle naxriis iyo nabad galiyo Korkiisa ha ahaatee wuxuu kujabaabay kaasi

Waa fadliga alle oo ciddii uu doono ayuu siyaa.

Sidaa darteeda xooluhu waa fadli illaahey Bixiyo oo haduu sidii rabi kaa doonayay aad Umaamusho aad janada rabi kugalayso,

Markaa waa liibaan aduunyo iyo mid aaqiraba.

XANTI INTEE LA EG BAA DUNIDA TAALA?

Hantida dunida taalaa maaha mid laqayaasi Karo,alle subxaanahuu watacaalaa qasnidihiisu

Way buuxaan,cid dhameyn kartana majirto sidii

Xadiis al qudsi uu ku sheegay wuxuu yidhi :-

Haddii ibnu aadamka iyo jini dhamaan kii oogu

Horeeyay ilaa kii oogu dambeeyay hadii halmar Wada istaagaan goob kaliya oo mid kastaba Ilaahay waydiisto waxa uu doonayo,oo aan siiyo

Waxba igama nusqaamin maayaan mulkigayga,

Ilaa sida dun bad lagaliyay mooyee.

“Dun bad lagaliyay maxay kadhimi kartaa”?

Ilaahay ciddii xirfadeeda latimaado ayuu ufuraa

Ciddii kale ee dariiqeeda mari waydana bilaa Sabab masiiyo.

Waana sune kawni ah,waa qaanuun layidhahdo

Sabab iyo matiijo.

 


Qaanuun kaasi mayaqaano kanaa gaal ah iyo Kanaa muslim ah,kanaa cad iyo kanaa madow,

Kanaa gaaban,iyo kanaa dheer,kanaa nin ah,

Iyo kanaa naag ah,ciddii dariiqaa marto ayuu sii

Yaa ciddii mari waydana masiiyo.

Waxaa wax lala yaabo ah in hantida muuqata

Ee dunida 80% kamid ah ay haystan boqolkiiba

Labaatan dadka kamid ah.



Tusaale kaliya hadaan kuu soo qaato ;hantida Uu haysto ninka dunida oogu qaalisan ee Layidhaahdo “BILL GATE”Waxay january-2015kii

Gaadhaysay “81-bilyan oo doller”kasoo qaad

In BILL GATE uu hantidaa bankiga ku kaydhiyo

Oo dulsaarka uu kaqaataa ay tahay 3%

Shareecadda islaamku dulsaarku waa ribo waana xaaraan dulsaarkaa maalintii kaliya uu

Kahelaayaa waa 6.6-milyan doller saacad kasta

Wuxuu helayaa 277,400 usd.

Ninkaa kaliya bal ufiirso imisa dowladoof oo

African uu kamiisaaniyad badan yahay?




AQRITAHA SHARAFTA LEH LASOCO QEYTA 4-AAD.

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN UDOORANAY DARIIQA FAQRIGA?

7-WAXAAD KU LIIDATAA BANDHIGIDA QIIMAHAAGA