11-WAXAAD ISKU HAYSATAA INAAD WAX WALBA TAQAANID.

 PART-14”SABATA 10-FAQRIGA KEENA:-

1-WAXAAD ISKU HAYSATAA INAAD WAX

WALBA TAQANNO OO AQOON KORODHSI

DIYAAR UMA TIHID.





Waa caado iyo dhaqan aad uxun inaad ismoodo

Inaad wax walba taqaanid,waxay arrintaasi kaa hor

Joog sanaysaa inaad wax badan oo cusub barato

Ama ogaato,waxay kugu xidhaysaa jaziirad cidla ah

Jeel aqoon daro ah oo aanad waligaa kabixi doonin.

Qofka aaminsan inuu wax walba yaqaano waxaan

Odhan karnaa wuxuu kusugan yahay jahli murakab.

Waa qof moodaya innuu garannayo,laakiinse aan

Garannayn.Tusaale ahaan haddii lawaydiyo oo la

Yidhaahdo tiirarka islaamku waa imisa?

Wuxuu kujabaabaa waa afar.

Nin carab ah oo gabayaaya ayaa wuxuu yidhi:-

“Haddii aanad wax garanayn waa musiibo,haddii

Aanad garannayn inaadan waxba garannayna musii

Badu way kasii wayn tahay.

Qofka jahliga fudut hayanna waa qofka marka su’aal

Aanu garannayn la waydiiyo odhonaya ma garan

Nayo markaa labada qof faraq wayn baa udhaxeeya

Oo ah kan hore uma haystaba in aqooni kadhiman

Tahay,halka kan kalle uu had iyo jeer aqoon raadi

Nayo,waayo wuxuu is ogyahay inaanu garannayn.

Dadka faqiirka ahi had iyo jeer way isla sexan yihiin,

Oo waa dad isla wayn taasina waa tan keentay inuu

Taag naado meesha uu taagan yahay,halka dadka

Horumar ka sameeya ay yihiin dad maskax doodu

Furan tahay oo markasta diyaar u ah inay wax cusub

Bartaan oo ay cid kasta wax kabartaan.

Illaahay shay kaliya ayuu nabiga naxriis iyo nabad

Galyo korkiisa ahaatee uu amray inuu korodhsi way

Diisto kaasi oo ah cilmi korodhsi.wuxuu dhihi jiray:-

 Illaaha yoow cilmi iisiyaadi”

Hadal kaa macnihiisu yahay:-”dadka wax bartaa wa

Xay dhaxlaan dunida,halka dadka mooda inay wax

Yaqaa naanna ay yihiin qaar ku nool dunida hore ay

Tagtay oo aan waqtiga lasocon”

Dadka soomaaligu waa dad aanu wax aqrin,

Sababtu waxay tahay waa iyaga oo isku haysta in

Aanay waxba kamaqnay,aqrista soo sax maahan?

Waxaad arkaysaa qofkii oo jaamacad kabaxay,laa

Kiin maalinta uu jaamacada kaboxo ayaa wax aqris

Oogu dambaysa sababtu waa isga ismoodaya inuu

Wax bartay alla yaa miskiin,miyaanad ogeyn inay

Jaamacaddu ay tahay kaliya furihii lagu furanaayay

Aqoonta,mar kaa waxaad kadhigan tahay nin furihii

Haysta oo haddana gudaha guriga u galayn,oo aan

Ka faa’iday sanayn wixii gurriga hoos yaalay ee faa

Idada lahaa.

Marka haddii aad tahay mid ismoodaya inuu wax

Walba yaqaanno oo aanad diyaar u ahayn inaad si

Is daba joog wax ubarato qof kaa waayo araksan ka

Baro amaba buuk ka aqrisee,ogow inaad dariiq ka

Mid ah dariiqyada faqriga ku  taagantahay,waayo

Halka aad taagan tahay kuma hormaraysid.



AQRISTAHA SHARAFTA LAHOW LASSOCO SABABTA 11-AAD EE FAQRIGA KEENA.

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN UDOORANAY DARIIQA FAQRIGA?

7-WAXAAD KU LIIDATAA BANDHIGIDA QIIMAHAAGA