11-”DAD XUN XUN AYAAD XIDHIIDH LALEE DAHAY”.

 PART-15”SABABTA 11-AAD FAQRIGA KEENA”

11-”DAD XUN XUN AYAAD XIDHIIDH LALEE DAHAY”.



Dadka aad xidhiidh laleedahay waa dad fikir koodu

Aad u hooseeyo,waa dad nolosha kadhacay oo horu

Mar ah aan sameyn.

Horaa loo yidhi;shimbir shimbir kiisuu laduulaa,

Nabiguna naxriis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato

Wuxuu yidhi:-”Qofka diintuusu waxay noqotaa qof

Ka kale saaxib kiisa wuxuu yahay mid kiina ha eego

Cidda uu lasaaxi baayo”.

Dad kaani isku sii bay ufikraan,iskusi bay ulabis taan,

Iskusi bay unool yihiin,iskusi bay wax uqabtaan,isku

Sina way uguul dareystaan,iskusina qaddar ka ayay

Udhalee cayaan,”Noloshaan alle baa noo qadray”.

Dhalin yarta balwadda leh,haddi aad waydiiso yaa

Ku barray balwadda?wuxuu ku odhan saaxib kayga.

Sida saaxib kaa xuni balwadda kuu barrayo ayuu



Dhaqan kasta oo xuni kuu barrayaa,marka dambena

Nolasha ayaad kadhacaysaa,marka aad isdareyn

Tana way kugu adkaanaysaa siddii aad dib ugu soo

Noqon lahayd.

Dadka kale ee guulaysta yaashu iyagu waa dad nasib

Uhelay inay dadka fiican laxadhii dhaan oo ay lasaa

Xibaan,oo ay kabar taan wax fiican,oo ay kabartaan

Dariiqa iyaguba guusha umareen nabiga naxriis iyo

Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu kaloo

Sheegay saaxib ka xun iyo kan wanaagsan:-

Xaddiis macnihiisa guud ahaa uu yahay :-

Saaxibka wanaag sani wuxuu kadhigan yahay nin

Haysta catar udgoon,markaat lasaaxibto ama

Catarka ayuu kusiin amase caraf tiisa ayaa kusoo

Gaadhi.Saaxibka xunni wuxuu kadhigan yahay nin

Lasaaxiba ninka birraha tuma “black smith”ee buu

Fimadda ku afuufa si uu dabka ugu shido,markaa

Laba mid uu bay noqon inuu maryaha kaa gubo,

Amase in ur xuni kusoo gaadho.

Saaxibka wanaagsan wax badan baad kabaran,fikrad

Fiican baad kafaa’idaysan,khayka iyo wanaaga ayuu

Ku xasuusin,xumaanta ayuu kuu diidi,dariiqa guusha

Iyo xantida kuhelay baad kabaran.

Saaxibka xunse waxaad kabaran fikrado khashin ah

Oo liita,oo dhaawac gaadhsiinaya maskaxdaada.

Dr ibraahim Alfiqi sida uu kusheegay kitaab kiisa la

Yidhaahdo Awooda fikirka:waxa uu yidhi isaga oo la

Hadlaya dadkii uu tababarka siinaayay:-

Mawaxaad jeceshihiin hotelka cuntadiisa inaad cun

Taan misa tan gurriga,mise ta gudaafada taala

Qashin qubka dhamaan waxay ku jabaabeen,cun

Tanada hotelka qaar kalena tan guriga,qof kaliya

Tidhaahda cuntada gudaafada qashin qubka taala

Ayaan cunayaa wuu waayay.Wuxuu yidhi:-

Oo hadaba haddii calooshiina aad udiideen cuntada

Qashinka gudaafada inaad galisaan,maxaad maskax

Diina uugu ogolaa teen fikradaha xun xun ee qashin

Ka inaad galisaan.Saaxibka xun waxaad kafaa iday

Saa fikradaha xun xun ee qashin ka ah.

Haddaba dib u eeg dadka  aad saaxibka latahay,

Haddii ay yihiin qaar liita sida oogu dhaqsiyaha

Badan u beddal,haddii kale adiga ayaa xuryadaada

Kudoortay dariiq kamid ah dariiqa faqriga.


AQRISTAHA SHARAFTA LEH LASOCO SABABTA 12AAD


Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN UDOORANAY DARIIQA FAQRIGA?

7-WAXAAD KU LIIDATAA BANDHIGIDA QIIMAHAAGA